Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay Wararka Tilmaamay in Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan in Dooni ay geysay Magaalada Kismaayo loo sii Gubiyey Wadanka Kenya ka dib Amarka soo baxay Hogaanka Sare ee Dowladda Gobaleedka Jubbaland.
Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan maxamed Xussen oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay inay wali Dowladda Federaalka soomaaliya ay ka Sugayaan cadeymo la Xiriira Xaalada Wasiir Janaan waxaana uu Been Abuur ku Tilaamay Warar lagu baahiyey Baraha Bulshada oo ahaa in Doon uu Magaalada Kismaayoi uu ku Tagay Wasiirka Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in uu Baxsaday.
Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Jubbaland ayaa sheegay in Shacabka Jubbaland ay Shacuurtoodu ay kacsan tahay islamarkaana ay ka walwal qabaan Badqabka Wasiirkoodi Amniga Asagoo Xusay inay Dowladda Soomaaliya ay ka dhowrsan weyday Dhibaateynta Madaxda iyo Shacabka Jubbaland
Dhankale Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan maxamed Xussen ayaa Nasiib daro ku Tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay wali sii Wado Falalka ka hor imaanaya Kalsoonida Shacabka Soomaaliya,arintaasi oo uu sheegay in uu shacabka Soomaaliyeed uu Tacsiyeynayo.
Kulanka Golaha Wasiirada Jubbaland ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo ayaa maanta Diraada lagu Saarayaa Wararkii Dhawaanka Soo baxay Dowladda Federaalka iyo Kulamada Magaalada Nairobi uu ka Wado Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam kuwaasi oo la Xiriira Arimaha Doorashooyinka qaranee Soomaaliya iyo Xiriirka wada shaqaynta ee ka dhexeeya Dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo Dowladda Kenya.

