Hogaanka Ahlusuna oo Ku Gacan Seeray inay Soo Gaaraan Magaaladda Muqdisho

0

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Hogaanka Ahalusuna Waljameeca ay ku gacan seereen inay Soo gaaraan magaalada Muqdisho oo ay Dowladda Soomaaliya uga yeertay.

Xasan Axmed Maxamed Wakiil wareedka Radio Simba ee magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa kusoo waramaya in Hogaanka Ahlusuna ay diideen in Magaaladda muqdisho yimaadaan si loo xaliyo arinta maamulka galmudug oo haatan maraysa meel cakiran.

Hogaanka Ahlusuna oo shalay Shiikh Maxamed Shaakir u doortay madaxweyne ayaa ku adkeysanaya in wixii haatan ka dambeeya waqti la galin doonin dhismaha Maamulka Galmudug,islamarkaana Galmudug leedahay Hogaan dhameystiran.

Dhanka kale Musharaxa Dowladda Axmed Abdi Kaariye (Qoor-qoor), iyo saamileyda kale ee Maamulka Galmudug ayaa soo gaaray magaaladda muqdisho,waxaana lagu wadaa in Muqdisho lagu xaliyo khilaafka Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here