Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Magaaladda Nairobi kaga qayb galay xaflad lagu soo dhoweynaayey isaga iyo weftigiisa.
Xafladda soo dhoweynta ah ayaa waxaa soo agaasimey Guddoomiyaha degmada Gaarisa Cali Bunow Qorane, waxaana Madaxweynaha Puntland ku wehelinaayey Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS, Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.
Siyaasiyiinta ka qeyb galay xafladan oo miisaan culus ku leh siyaasada Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in kulamo ay maalmahan ku la haayeen Nairobi uga tashanayeen siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan doorashada 2020/2021.




