Shabakad AS u qaabilsan qaraxyada iyo Maadooyinka laga sameeyo oo Muqdisho Lagu Qabtay

0

Taliska Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee (NISA), ayaa sheegay in howlgal la fuliyay lagu soo qabtay shabakadd Al-shabaab u qaabilsan qaraxyada iyo maadooyinka laga sameeyo.

Qoraal kasoo baxay NISA oo Lagu baahiyay barta Twitterka ayaa lagu sheegay in howlgalo qorsheysan oo ciidanka Amnigu ka fuliyeen Muqdisho 26 ilaa 28 bishaan, ay ku soo qabteen shabakad Al-shabaab u qaabilsan qaraxyada iyo maadooyinka laga sameeyo.

“Howlgalo qorsheysan oo uu ciidanka Amnigu ka fuliyey Muqdisho 26 ilaa 28 bishaan, ayaa lagu soo qabtey Shabakad qaraxyada u qaabilsan AS, iyo maadooyinka qaraxyada laga sameeyo. Wada shaqaynta shacbka iyo laamaha Amniga waa sababta keentay guushaan” ayaa lagu yiri qoraal NISA.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here