Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa xalay gacanta kusoo dhigay askari ka tirsan Dowladda oo muqdisho ku dilay Darawal ka xeynayay gaadiidka waa weyn.
Falkaan ayaa bilowgii todobaadkaan ka dhacay isgoyska Digfer Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.
Ciidamadda Booliska Degmadda Warta-nabadda oo howlgal sameeyay ayaa ku guuleystay qabashadda askari iyo askar kale oo la socotay,waxaana loo gudbiyay qeybaha baarista.
Ciidamadda Dowladda ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay dilalka ay u geystay wadayaasha Gaadiidka dadweynaha gaar ahaan Mooto Bajaajka.

