Odayaasha Dhaqanka Maamulka Galmudug ayaa war kasoo saaray jahwareerka ka taagan Siyaasadda Maamulkaas.
Qoraal ay soo saareen ayay ku sheegeen in xiligaan aan loo baahneen khilaaf,islamarkaana Dowladda Dhexe lagala shaqeeyo dhismaha Dowladd goboleedka Galmudug.
Sidoo kale odayaasha dhaqanka ayaa ugu baaqay Guddiga Doorashadda madaxweynaha iyo madaxweyne Ku-xigeenka Maaamulka Galmudug in aysan dib u dhigin xiliga doorashadda ay dhacayso.


