Al-shabaab oo 18-Ku Yeeshay Baarlamaanka Maamulka Galmudug

0

Al-shabaab ayaa la sheegay in 18-Xildhibaan ku leeyihiin Baarlaaanka Maamulka Galmudug ee dhawaan lasoo xulay.

Wargeyska Hor Observer ayaa qoray warkaan la xiriira in Al-shabaab 18-xubnood ku leeyihiin baarlamaanka maamulka Galmudug.

Mid kamid ah odayaashii soo xulay Xildhibaanadda Cusub ee Baarlamaanka maamulka galmudug ayaa sheegay in uu ogyahay in ururka Ahlsunna Waljameeca ay ka cawdeen 18 xubnood oo al-Shabaab ah oo soo galay baarlamaanka Galmudug, laakiin wuxuu sheegay in tani qof kasta uu iska dhaga tiray.

“Qofna ma diidi karo tilmaamaha al-Shabaab. Al-Shabaab meel walba waa joogtaa. Haddii aad addeecin weydo, subaxa xigga waa lagu soo tooganayaa,” ayuu odaygu u sheegay Horn Observer.

Sidoo kale xildhibaan xildhibaan Galmudug ah ayaa sheegay in Shabaab amaradooda ka socdaan dalkaan,islamarkaana ay haatan doonayaan in madaxweyne noqdo nin iyaga taageersan.

Mudooyinkaan dambe waxaa soo kordha wararka la xiriira in Al-shabaab ay ku dhex milmeen Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here