Warar kaladuwan ayaa laga helayaa weerar xubno katirsan Alshabaab ay kuqaadeen saldhig ciidamada booliska Kenya ay kulahaayeen magaalada gaarisa oo katirsan gobalka waqooyi bari dalka Kenya.
Weerarka ayaa lasheegay in uu kadhacay deegaan lagu magacaabo kamuude oo hoostaga magaalada gaarisa ee gobalka waqooyi bari dalka Kenya,booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in xubno aan lagaran tiradooda oo katirsan Alshabaab ay weerar kuqaadeen saldhig ciidamada booliska Kenya ay kulahayeen gaarisa.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in 3 macallimiin oo kusugnaa deegaanka lagu dilay weerarka Alshabaab ay kuqaadeen deegaanka islamarkaana booliska Kenya waxa ay intaasi kudareen in xubnaha katirsan Alshabaab ee weerarka soo qaaday ay burburiyeen xarun ay laheyd shirkadda isgaarsiinta safaaricom ee laga isticmaalo dalka Kenya.
Tan iyo markii laguda galay sanadka cusub ee 2020 Alshabaab ayaa kordhiyay weerarada ay kuqaadayaan saldhigyada ciidamada booliska ay kuleeyihiin xadka wadamada Kenya iyo Somalia iyo sidoo kale gudaha dalka Kenya.
Dhawaan ayay aheyd markii dagaalyahanno katirsan Alshabaab ay weerar kuqaadeen saldhig ay isticmaalaan ciidamo katirsan kuwa Kenya iyo sidoo kale ciidamo katirsan kuwa millatariga mareykanka saldhigaasi oo lagu magacaabo manda Bay kaasi oo kuyaalla magaalo xeebeedka laamuu oo dhacda xadka wadamada Kenya iyo Somalia.

