Maxkamadda Sare ee PL oo Shaacisay in Sababta aan Loo Fulinin Xukunka Kiiska Caasho

0

Maxkmadda Sare ee Maamulka Puntland ayaa ka hadashay sababta aan wali loo fulinin dilka ragii qirtay kufsigii iyo dilkii Caaisha Ilyaan aadan loo geystay.

Gudoomiye ku-xigeenka ahna ku simaha gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Nuur Ciise Maxamuud ayaa sheegay in aysan jirin cid hortaagan fulinta dilka.

Waxa uu sheegay in ay jawaab ka sugayaan xeer-ilaalinta,kadibna ay fulin doonaan dilkaas.

“Xeer-ilaaintu waa run in ay noosoo gudbisay galkii fulinta xukunka, balse waa mid kala dhiman sababtoo ah kuma aysan soo lifaaqin warqadihii dhaxal-koobka iyo dalabka qoyska dhibanaha ee qisaasta,” ayuu yiri.

Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka ahna ku simaha gudoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa beeniyay wararka ku aadan in madaxweyne Saciid C/laahi Deni uu hortaagan yahay fulinta dilka.

Kiiska Caasha Ilyaas Aadan oo taariikh cusub kusoo kordhiyey Soomaaliya ayaa noqday galkii ugu horeeyay ee xukunkiisa lagu saleeyay habka casriga ah ee baaritaanka tacadiyada jinsiga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here