Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qaraxii Ka Dhacay Isgoyska EX-koontarool Afgooye

0

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeesay qaraxii dhawaan ka dhacay Isgoyska EX-koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah warbaahinada caalamka ayaa qoraya warbixino muujinaya in dowlada dalka imaaraatka ay ku lug laheyd qaraxii dhawaan ka dhacay isgoyska Ex-koontarool afgooye,.

Qaar kamid ah warbaahinnada dalka Turk-ga ayaa sheegay in dowlada dalka imaaraatka carabta ay kadambeesay weerarkii sababay dhimashada 79 qofood oo shacab ah iyo sidoo kale dhaawaca tiro kabadan 100 ruux,

Warbaahinta dalka turkiga ayaa hoosta kaxarriiqay in weerarkan qorshihiisu ahaa sidii laisaga horkeeni lahaa dowlada federaalka  Somalia iyo dowlada  turkiga oo xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo 10kii sano ee lasoo dhaafay waxaana warbaahinta dalka turkiga ay intaasi kudareen in dowlada imaaraatka carabta ay kaxuntahay xiriirka dowladaha turkiga iyo Somalia.

Waxaa jirtay in eedeyn badan loo jeedinayay dowladaha khaliijka in ay faragalin kuhayaan siyaasadda guud ee dalka somaliya islamarkaana ay kala  tageeraan shaqsiyaad katirsan dowlada federaalka Somalia iyo sidoo kale kuwa mucaaradka ah  ee kasoo horjeeda dowlada federaalka Somalia.

Bartamihii sanadkan 2019 ayay aheyd markii dowladda dalka imaaraatka ay ku eedeysay dowlada qadar in ay ka dambeeysay dil loo geestay masuul katirsan shirkada DBWORLD ee laga leeyahay dalka imaaraatka carabta masuulkaasi oo dil loogu geeystay magaalada boosaaso ee xarunta gobalka bari ee deeganaada maamulka puntland.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here