Qarax gaari loo adeegsaday ayaa saakay ka dhacay magaaladda muqdisho.
Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee Duleedka Magaaladda muqdisho,gaar ahaan qeybta Maaliyadda ee Ciidamadda Dowladda halkaas ku leeyihiin.
Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinaya in burbur xoogan uu soo gaaray,islamarkaana ay burbureen gaadiid halkaas yaalay.
Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay qeybta Maaliyadda ee Ex-koontarool Afgooye ee Duleedka Muqdisho.
Dhanka kale Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa laakin wali si rasmi ah Looma oga khasaaraha Qaraxaasi Ismiidaaminta ah khasaarihiisa.




