Askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay magaaladda muqdisho ku dilay Gabar dhalinyaro aheyd.
Falkaan ayaa ka dhacay xaafadd kamid ah degmadda Deyniile ee Gobolka Banaadir,waxaana gabadha la dilay lagu magacaabi jirey Hani Ismaaciil Yuubane.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka uu u dhacay dilka loo geystay Hani Ismaaciil.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Hani ay u geeriyootay rasaas uu askariga doonaayay in uu ku kala eryo laba qoys oo deris ahaa oo gacan ka hadal uu dhex marayay, halka warar kalena ay sheegayaan in askariga iyo gabadha uu murun soo kala dhexgalay ka dibna uu madaxa xabad kaga dhuftay,sidaasna ay ku dhimatay.
Ala ha u Naxariistee Hani ayaa laheyd uur bilooyin ah,waxayna ifka kaga taktay Labo Caruur ay dhashay sida ay inoo xaqiijiyeen Eheladeeda.
Dhanka kale askari geystay falka dilka ah ayaa ka baxsaday goobta,waxaana socda howlgal lagu baadi-goobayo.

