Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya israsaaseyn xalay ka dhacday Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.
Iska hor imaadkaan ayaa yimid kadib markii kooxo hubeysan ay weerareen Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Cantoobo, oo mudooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb.
Agaasime Cantoobo ayaa la shaqeynayay Guddiga Farsamada ee ku hawlan Dhismaha Maamulka Galmudug, ee ku sugan Magaaladda Dhuusa-mareeb.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugan Magaaladda Dhuusa-mareeb agaasimaha ayaa rasaas lagu furey xili uu sii galayay hoygiisa oo ku yaala Magaaladda Dhuusa-mareeb.
Ilaaladda Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa iska caabiyay ragga hubeysnaa.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay rasaasta ay isweedaarsadeen ciidamadda Ilaaladda Gudoomiye Cantoobo, iyo ragga weerarka soo qaaday.
Iska horimaadkan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, xilli Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, ay shalay is hortaag ku sameeyeen kulan ay magaaladaasi ku lahaayeen Ahlu Sunada Galmudug.

