Wararka ka imaanaya magaaladda Boosaaso ee gobolka Bari ayaa ku waramaya in xalay Magaaladaas lagu dilay Nin Nabadoon ahaa.
Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Cismaan Axmed Askar,waxaana sida la sheegay dilkiisa fuliyay dhalinyaro bastooladdo ku hubeyneyd xili uu fadhiyay agagaarka gurigiisa oo ku yaalla xaafadda New Boosaaso.
Dadka ku sugnaa halka uu dilka ka dhacay ayaa inoo sheegay in raga hubeysnaa ay rasaas ku boobeen Nabadoonka,islamarkaana uu isla goobta ku geeriyooday.
Kooxihii ka dambeeyay dilka Nabadoon Cismaan Axmed Askar ayaa si Nabad ah goobta ugu baxsaday,waxaana saakay magaaladda Ka Socda howlgal ay sameynayaan ciidamadda Booliska Magaaladaas.
Nabadoonka la dilay ayaa kamid ahaa dadka si weyn looga yaqaanay gudaha Magaaladda boosaaso,waxaana dilkiisa lala xiriirinayaa khilaaf u dhaxeeya Odayaasha dhaqanka Gobolka Bari iyo Xukuumadda Madaxweyne Saciid C/laahi Deni.
Dhanka kale dilalka ka dhaca Magaaladda Boosaaso waxa inta badan sheegta Al-shabaab iyo Daacish,oo saldhigyo ku leh buuraha galgala ee gobolka Bari.
Waxgaradka iyo Nabaoonadda Gobolka Bari ayaa inta badan ku dhaliila Maaamulka Madaxweyne Saciid Deni in uu ku fashilmay sugidda amniga Boosaaso.

