Somaliland oo Sharuudo Ku Xirtay Dib u Billaabashada Wada-hadallada

0

Maamulka Somaliland ayaa shuruud ku xiray dib u bilaabashadda Wada-hadalka Somaliland iyo Dowladda Dhexe.

Guddiga Somaliland u qaabilsan wadahadallada Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadallada laakiin ay marka hore dowladda federaalka ka doonayaan inay meelmariso heshiisyadii horay loogu gaaray kulamadii ay labada dhinac yeesheen.

Adna Aaden Ismaaciil, Gudoomiyaha guddiga wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland u qaabilsan dhinac Somaliland oo warbaahinta kula hadashay magaaladda Hargeysa ayaa hadalkaan sheegtay.

“In la wadahadlo waan soo dhaweyneynaa. Wadahadalladu halkii ay marayeen laga soo billaabo kii koowaad ilaa kii lixaad, waxaa dhacayay isu soo dhawaansho, umaddu way isu soo dhawaaneysay, waxaase nasiib darro noqotay in madaxweynaha dalka aannu jaarka nahay ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo uu wada buriyo qodobbadii horay loogu heshiiyay oo dhan, oo intuu maalin soo toosay uu yiri saxiixyadii madaxweyneyaashii hore waxba kama jiraan, oo uu yiri diyaaradaha hallaga maamulo xamar,hadduu oggolaado sidey heshiisyadu ahaayeen, ee madaxweyneyaashii hore u saxiixeen, waxaan subaxa xiga diyaar u nahay wadahadalka”, ayey tiri Adna Aaden Ismaaciil.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here