7 Qodob oo Laga Soosaaray Heshiis ay Wada Gaareen Beelihii Dhawaan Ku Dagaalamay Towfiiq

0

Waxaa degaanka Towfiiq ee Gobolka Mudug munaasabad lagu dhammeystirayay heshiis ay dhawaan gaareen laba beelood oo halkaa ku dagaalamay, waxaana laga soo saarey qodobo ay ku heshiiyeen Odayaasha labada beelood.

Kulankaan ayaa waxaa laga soo saaray todobo qodob oo ay ku heshiiyeen labadii beelood ee dhawaan dagaalamay, waxaana goobjoog ka ahaa Taliyaha Qeybta 21aad ee Ciidanka xoogga dalka Janeraal, Cabdicasiis Cabdulaahi Qooje ,Xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya,Odayaasha Dhaqanka labada Beelood iyo Maamulka deegaanka Towfiiq.

Waxaana laga soosaaray 7-qodob oo ay ku heshiiyeen labada dhinac ee beelihii ku dagaalamay dhawaan Afbarwaaqo iyo Towfiiq.

                Hoos ka aqriso qadobada

 

1: in la fuliyo qodobadii ay ku heshiiyeen labada dhinac 18/12/2019,kadib kulankii ka dhacay deegaanka Af-barwaaqo.

2: Waxaa la doortay Shir guddoon kulamo lagu dhameystiraayo xalinta dagaalkaas,waxaana Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia laga codsaday in Mudda 4-ta bari ah ee uu shirku socdo ay dardar geliyaan Nabadeynta iyo dhab- u-heshiinta Beelaha Walaalaha ah.

3: In wada-hadallada labada Beelood ay sii socdaan inta xal rasmi ah laga gaarayo.

4: in wadda hadal lagu dhameeyo, xal waarana laga gaaro wixii dhib ah oo aan laga samri karin, laguna lafa guro Shirarka soo socda

5: In Guddiyada la Magacaabey ee labada Beelood ay Cidiamada xoogga dalka gacan weyn ka siiyaan una fududeeyaan fulinta heshiisyadii la wada gaarey.

6: in qofkii u hoggaansami waaya fulinta heshiisyadii la wada gaarey ay Ciidamada xoogga dalka ka qaadaan tallaabo Sharci ah.

7: Ugu dambeyn in GogolNabadeed la dhigo Magaalada Gaalkacyo 5/2/2020, sial markaana dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay fududeyso Shirkaas.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here