Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa sheegay in Soomaaliya aysan sanadka 2020/2021 ka dhici doonin doorasho qof iyo cod ah.
Lafta gareen ayaa ka hor yimid qorshaha Madaxtooyadda Soomaaliya ee ku aadan in Soomaaliya ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.
Waxaa uu sheegay in inta dadka laga tirinayo, deegaanada laga xoreynayo in doorashada u dhacdo qaabkii hore, isagoo ula jeeday mid aan aheyn qaabka doorashada ee Madaxtooyada Villa Somalia gadaal ka riixeysay oo ah doorasho qof iyo cod ah oo lagu galo Xisbiyo, Madaxweynahana ka yimaado Xisbi.
“Ka maamul ahaan waxaa jeclaan lahaa doorashada inay u dhacdo marka u horeysay inta dadka laga tirinayo oo Soomaali tiradeeda laga ogaanayo oo deegaanada ka xoroobayaan in la isku doorto 4.5 iyo in la aado maamul goboleedyada, nin walba uu deegaan doorashadiisa uu tago, muddo kororsina qof Soomaali oo rabo ma jirto, tii 2016 la isku soo doortay ayaa qurxineynaa, waxaa soo dooratay oday dhaqameed 51 ayaa soo dooratay, maanta dad ka badan ayaa soo dooran kara, deegaanada ayaa gaarsiin karaa, ayada waxaa qabnaa in la sii qurxiyo oo meel fiican la sii gaarsiiyo”, ayuu yiri Madaxweyne Lafta gareen.
Hadalka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Lafta Gareen ayaa imaanaya xili madaxda Villa Soomaaliya ay ku celcelinayaan in Sooamaaliya ka dhici doonto doorasho qof iyo cod.

