Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Xarakadda Al-shabaab iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saakay ka dhacay duleedka magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay.
Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa weerar dhowr jiho ahaa ku qaaday saldhigyada Ciidamadda maamulka Koonfur Galbeed ee deegaanka Goof guduud Buureey waxaana halkaas ka dhacay dagaal khasaare badan dhaliyay.
Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in dagaalka lagu dilay 8 askari oo katirsanaa Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Al-shabaab waxaa u suurta gashay in ay si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta deegaanka Goofguduud.

