Puntland ayaa sheegtay in Qaraxyadii xalay lagu weeraray Saldhiga magaaladda gaalkacyo aysan ka dambeynin Xarakadda Al-shabaab iyo Daacish.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur, ayaa sheegay in labo Bambo Gacmeed lagu weeraray xalay Saldhiga Magaaladda Gaalkacyo, kuwaasi oo sida uu sheegay aan wax khasaare naf iyo maal midna geysan, marka laga reebo nin dhalinyaro ah oo dhaawac fudud ka soo gaaray firiro ay qaraxyadu sameeyeen.
Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in qaraxyada lagu wareeraray saldhiga bartamaha Gaalkacyo aysan ahayn kuwa argagixiso, balse ay ku tuhmayaan in ay yihiin kuwa siyaasadeysan oo lagu khal-khalinayo Amniga magaalada, si xaalad-abuur loogu sameeyo.
“Wallaahi, hadda arrintan dhacday, ma aha Argagixisadii noocaa uma shaqeeyaan, waxaan isleeyahay, waa dad khalkhalinaya Amniga magaalada, meel kale kama imaan maaha Argagixisada farsamadeedu noocaas, wax iskama tuuraane waxbay bi’iyaan ay hubaan.” Ayuu yiri Guddoomiyaha.

