Jubba-land oo Baaq u Dirtay Xubnaha Ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab+Dhageyso

0

Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dhalinyaradda ka tirsan Xarakadda Al-shabaab in ay isku soo dhiibeen Maamulkooda.

Aadan Maxamuud Ibraahim Taliyaha Guud ee Ciidamadda Jubba-land oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Kismaayo ayaa digniin u direy xubnaha Shabaab ka Tirsan.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadda jubbaland iyo kuwa kenya ay qaadi doonaan dhawaan howlgal ka dhan ah Shabaab,balse ka hor fursad loo siinayo xubnaha Shabaab ka tirsan in ay isa soo dhiibaan,halka kuwa ka biya diiday lala dagaalami doono.

Al-Shabaab ayaa maamula Degmooyin ka tirsan Goboladda Jubooyinka iyo Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya.

–

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here