Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa mamnuucay in la xuso sanad guuridii 1-aad ee dadkii Ciidanka Itoobiya iyo Dowladda Soomaaliya ay ku laayeen Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMGA ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ilo lagu kalsoonan karo ayaa inoo xaqiijiyay In awaamiir kasoo baxday maamulka Baydhabo lagu mamnuucay in la xuso dadkii ciidamadda Ethopia iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay ku laayeen Magaaladaas,kuwaasi oo ka hor yimid Natiijadda doorashada iyo xarigii Shiikh Muqtaar Roobow oo kamid ahaa Musharixiinta.
Sidoo kale ilaha lagu kalsoonan karo ayaa inoo sheegay In taageerashadda Muqtaar Roobow iyo dadkii banaanbaxa dhigay sanad ka hor ay qorshaynayaan in ay dhigaan Banaanbax loogu soo horjeedo xuska Sanad guuradda Koowaad ee madaxweyne Lafta-gareen.
Dhanka kale waxaa Hoteeladda Magaaladda baydhabo laga mamnuucay in lagu qabto shirar looga hadlaayo dadkii ciidamadda Ethopia iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay ku laayeen Magaaladaas.
Ciidmada ethopia iyo kuwa Dowladda ayaa dad shacab ahaa ku dilay Magaalada Baydhabo kadib doorashadii Lafta-gareen

