Al-shabaab, ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray weerarkii habeen hore 5-kamid ah dagaalyanadooda ay ku galeyn Hoteelka SYL ee Magaaladda muqdisho.
War-saxaafadeedka oo ku qornaa luuqada Ingiriiska ayaa lagu Sheegay in lagu beegsaday mid ka mid ah goobaha sida aadka ah loo ilaaliyo ee dowladdu degantahay.
Sidoo kale war Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarka uu dhacay 12-kii maqribnimo iyo qadar 40 daqiiqo oo shaley ah kolkaas oo Shabaab ay xoog ku galeen dhismaha Hotelka SYL.
Shabaab waxa ay sheegeen in weerarka lagu dilay 25 kamid ah Dowladda oo isugu jira saraakiil sarsare, xubno ka tirsan military-ga iyo Police-ka, Ilaalada Madaxtooyada, shaqaalaha dowladda iyo Sirdoonka.

