Dowladda Soomaaliya oo Dhaleeecayn Xooggan Loo Jeediyay+Dhageyso

0

Kornel  Cabdi Aadan Barre oo ka mida ah saraakiisha ka faalloota arrimaha amniga ayaa Dowladda Ku eedeeyay in sidii loo baahnaa aysan u sugin Amniga Dalka.

Kornel-ka oo Waraysi siiyay Idaacadda Simba ayaa wax laga xumaado ku tilaamay wereerkii Xalay ay Dagaalamayaal  ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen Hotelka S.Y.L oo ka mid ah  Hotel-lada sida weyn amnigooda loo sugo kana ag dhaw Madaxtooyada, waxaa uu sheegay in uu isbar baryaac badan uu jiro taasoo keenatay in ciidamada Dress-kooda lagu weeraro Goobaha muhiimka ah.

Waxaa sidoo kale uu ugu baaqay Dowladda in ay xoogga saarto sugidda amniga oo ah mhiimadda koobaad ah.

Arrintaan ayaa imaanaysa iyadoo xalay koox ka tirsan Al-shaab ay gudaha u galeen Hotelka S.Y.L oo  aan sidaa uga fogayn bar koontorool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada, waxaana ka dhashay weerarkaas qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo ugu danbeyntii lagu guuleystay  soo afjaridda kooxihii weererka soo qaaday

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here