Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa beeniyay wararka ku aadan in hub lagala baxsaday Xarunta wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Xoogga dalka.
Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ahna Taliye kuxigeenka Gen. Maxamed Cali Bariise, oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa wararkaas ku tilmaamay kuwa been abuur ah.
Waxa uu sheegay taliyaha in dadka baahiyay in hub lagala baxsaday xarunta Wasaaradda iyo Taliska Xoogga dalka ay yihiin kuwa kasoo horjeedo Dowladda.
“Waxaan halkan ku caddeynayaa in ay been aan sal iyo raad toona laheyn ay tahay wararka sheegaya in hub lagala baxasaday Wasaaradda Gaashandhigga iyo Taliska XDS. Waa been lagu marin haabaabinayo Ra’yi caamka ah ee dadweynaha oo ay hurinayaan cadowga umadda Soomaaliyeed,waxaan umadda ugu bishaareyneynaa in CXDS yahay astaan u taagan ilaalinta kaaramada, qiyamka iyo midnimada umadda Soomaliyeed isaga oo marnaba aan ka leex leexan baabi’inta iyo cirib tirka cadowga”ayuu yiri Gen. Bariise.

