Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay Duqeyn Diyaaradeed oo laga fuliyay Gobolka Jubadda Dhexe ee Koonfurta dalka Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta ay dhacday shalay oo taariikhda ay ku beegneyd 12-ka November,islamarkaana laga fuliyay Degmada Jilib oo Shabaab gacanta ku hayaan.
Sidoo kale qoraalka Afrikom ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay hal ruux,kaasi oo magaciisa aan la shaacinin.
Mareykanka ayaa Mudooyinkii dambe kordhiyay duqeymaha uu la beegsado Xarumaha Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

