Al-shabaab ayaa la sheegay in ay burburiyeen Qararkii Celinayay Biyaha Wabiyadda Jubba iyo Shabeelle si ay u dhacdo fatahaad Hor leh.
C/raxmaan Maxamed Xuseen Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha Maamulka Jubbaland oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Shabaab ay gabi-ahaanba ay burburiyeen qararkii biyaha celinayay ee wabiga Jubba iyo Shabeelle si Fatahaad u dhacdo.
Waxa uu sheegay in amar ay ku bixiyeen in aan la dayactiri Karin qararkii la burburiyay,ujeedkoodana uu yahay in ay difaac ka sameystaan.

