Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hakad galisay dagaalkii ay kula jirtay Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.
Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Fadaralka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali (Amar Dambe) oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya hakisay dagaalkii Al-shabaab.
Waxa uu sheegay in Fatahaadda iyo roobabka ka da’aya Goboladda Shabeelaha Dhexe,Hoose iyo Hiiraan ayay sabab u yihiin in la hakiyo dagaalkii Lagula jirey Al-shabaab,balse dib loo bilaabi doono.
Dowladda Soomaaliya aaya mudooyinkii dambe la kulmay dhaleeceeyn ku aadan in ay hakisay dagaalkii ay kula jirtay Al-shabaab.

