Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo hubeysnaa oo xalay Haweeney Uur laheyd ku dilay Magaaladda Muqdisho.
Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Korontadda Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, kooxo Bastooladdo ku hubeysnaa ayaa fuliyay dilka,waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.
Goobjoogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha hubeysnaa ay markii hore doonayeen in Haweeneyda ka furtaan Dahab iyo Mobil ay wadatay,balse ay arintaas diiday.
Waxa ay sheegeen in muran badan kadib ay xabad ku dhufteen ayna dhimatay,kadibna ay ka qaateen Dahabkii ay xirteen iyo Mobilkii ay wadatay.
Dhanka kale Ciidamadda Amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuldareystay Qabashadda ragii ka dambeeyay.

