Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ansixiyay Madaxweyne ku-xigeenada Jubbaland ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.
Madaxweyne kuxigeenka 1-aad Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo Madaxweyne kuxigeenka 2-aad Mudane Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud ayaa ansixinta kadib lagu hor dhaariyey golaha.
Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa 22 Oktoobar 2019 wareegto ku magacaabey labadiisa kuxigeen,Maxamuud Sayyid Aden ,madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland.C/qaadir Xaaji Maxamuud – Madaxweyne Kuxigeenka 2aad ee Jubbaland.





