Madaxweyne Deni oo Si Caro Leh Ugu Jawaabay Su’aal La Weydiiyay

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabudllaahi Deni ayaa si kulul uga jawaabay su’aal uu weydiiyay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Maamulka Puntland oo lagu magacaabo Cawil Xasan Daad.

Xildhibaanka ayaa Madaxweynaha weydiiyay su’aal ahayd bal in uu is casilayo maadaama sida xildhibaanku sheegay ay gebi ahaanba fashilantay xukuumadda uu hoggaamiyo.

Balse madaxweynaha oo xildhibaanka uga jawaabay su’aashaasi ayaa si caro badan uga falceliyay waxaana uu sheegay in xukuumaddiisu ay guul waaweyn ka gaartay arrimihii ay ballan-qaadday balse maamulkii isaga ka horreeyay oo Cawil Daad uu agaasime ku xigeen madaxtooyo ka ahaa ay  arrimo badan ku fashilmeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here