Maamulka Jubba-land ayaa sheegay in ay baaritaano ku hayaan shaqsiyaad ku sugan Magaalooyinka Muqdisho iyo kismaayo oo warar been abuur ah ka baahiya Wasaaradda Amniga Dowladd Goboleedka Jubba-land.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubba-land C/nuur Ibraahim Xuseen oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad ku sugan Magaalooyinka Kismaayo, iyo Muqdisho kuwaasi oo warar been abuur ah ka baahiya Wasaaradda Amniga Jubba-land.
Waxa uu sheegay in shaqsiyaadkaas oo ku kala sugan Labada Magaalo ay xili walba baraha bulshada ku baahiyaan in amniga lagu fashilmay,islamarkaana dilalka Magaaladda Kismaayo ka dhaca ay ka dambeeyeen Ciidamadda Jubba-land.

