Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Madaafiic Al-shabaab xalay ay ku weerareen Saldhig Ciidamadda Baangaraafka ay ku leeyihiin Deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubadda Hoose.
Ilaa dhowr Madfac ayay shabaab ku weerareen Saldhiga,kuwaasi oo intooda badan gudaha u galay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicdii lagu garaacayay gudaha saldhigga, qiic iyo uuro madoow ayaa sheedda laga arkayay xilligii ay madaafiicdu ku hoobanaysay saldhigga.
Lama oga khasaaraha ka dhashay Madaafiicda Al-Shabaab ay ku weerareen Saldhig Ciidamadda Baangaraafka ay ku leeyihiin Deegaanka Kulbiyow.

