Mid kamid ah Gaadiidka Dagaalka Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa Magaaladda muqdisho ku dilay far dhalinyaro ah oo kaxaynayay mooto bajaaj.
Falkaan ayaa ka dhacay meel ku dhow isgoyska Ex-Control Afgooye ee Duleedka Magaaladda Muqdisho.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal gaariga falka geystay ayaa la sheegay in ay lahaayeen ciidamadda Sida Gaarka u Tababaran ee Dowlada Soomaaliya,islamarkaana uu goobta ka baxsaday,kadib markii uu jiiray dhalinyaradda Bajaajka wadatay.
Meydadka Dhalinyaradda la dilay ayaa la dhigay Isbitaalka Madiina ee Mgaaladda Muqdisho,waxaana saakay lagu wadaa in la aaso.

