Wararka ka imaanaya Degmadda Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Ciidamadda Al-shabaab ay soo buux dhaafiyeen saacadihii aynu soo dhaafnay Wadada isku xirta Balcad iyo Muqdisho.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka,waxaa xalay cabsi ay ka jirtay Degmadda oo sabtidii ay qaraxyo ka dhaceyn duleedkeeda.
Deegaanada Al-shabaab lagu arkayo waxaa kamid ah Caliyaale, Hiilweyne, iyo deegaano kale,waxaa suura gal ah in ay jaraan wadada xiriirisa Magaalooyinka Balcad iyo Muqdisho.
Al-Shabaab ayaa sanado ka hor jaray wadada isku xirta Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee Hir-shabeelle oo weeraro isugu jira qaraxyo miino iyo kuwo toos ah ku qaadi jireen gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Sabtidii waxay qaraxyo kula beegsadeen deegaanka Golaley Mas’uuliyiintii Gobolka Shabeelaha Dhexe oo intooda badan dhintay,waxayna saacado kadib ay halkaas ku dileen 12-askari oo Ciidamadad Burundi ka Tirsanaa.
Al-shabaab ayaa kordhiyay mudooyinkii dambe weeraradda ay ka fuliyaan Labadda Shabeelle,kadib markii lagala wareegay Deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

