Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo mas’uuliyiin ka Tirsanaa Maamulka Hir-shabeelle lagula eegtay goordhaweyd duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa haleelay kolonyo galbinaysay mas’uuliyiinta Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Hir-shabeelle,kuwaasi oo ku wajahnaa Magaaladda Jowhar.
Sida ay inoo xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Gobolka,qaraxa ayaa waxaa ku dhintay mas’uuliyiintii Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Xubnaha qaraxa ku dhintay ayaa kala ah Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Shitaawe,Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan iyo Xasan Baldoos oo la shaqeynayay mid kamid ah Hey’adaha samafalka ee howlgala Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

