Al Shabaab oo Soo Bandhigtay Qeybtii Labaad Ergooyinkii Doorashada+Sawirro

0

Xarakadda Al-shabaab ayaa soo bandhigtay qeybtii labaad ee Ergadii soo xushay xildhibaannada baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya balse ka towbad keenay.

Ergooyinka oo isugu jira rag iyo dumar ayaa lagu soo bandhigay degmada Buq Aqable, ee gobolka Hiiraan,waxayna ka kala yimaadeen magaalooyinka Jowhar,Beled Weyne iyo Muqdisho dhammaantoodna waxay kamid ahaayeen kuwii xildhibaannada kasoo xulay dhanka maamulka HirShabelle.

Dhowaan ayay Xarakada Al Shabaab toban maalmood ku dartay waqtiga ay ku egtahay isdiiwaan gelinta Ergada kadib markii ay dhammaatay mudadii 45-ta maalmood aheyd ee loo qabtay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here