Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Maamulka Hir-shabeelle uu xabsiga dhigay Ergooyinkii Al-shabaab iska diiwaan galiyay.
Ergooyinka oo kasoo laabtay degmada Aadan Yabaal ayaa lagu xiray deegaanka Ceel-Baraf ee isla gobolka Shabeelaha Dhexe.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka,ergooyinka oo gaaraya ilaa 50-ruux oo haween iyo rag isugu jira ayaa muddo todobaad ah ku sugnaa deegaanka Alkowsar, halkaas oo shabaab ay maamulaan.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dadka la xiray loo diiday cuntadii iyo weliba inay la xiriiraan eheladooda.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Hir-shabeelle oo loogu hadlaayo.

