War Deg Deg:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Qarax Gaari lagu xiray ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal qaraxa ayaa ka dhacay isgoyska Ex-control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay oo ahaa nooca raaxadda ayaa ayaa xili uu qarxayay waxa uu marayay meel ku dhow kontoroolka ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin isgoyska Ex-control Afgooye.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamadda ay ka shakiyeen gaariga kadibna ay rasaas ku fureen sidaasna ku qarxay,waxaana halkaas lagu toogtay ruuxii watay gaariga.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa,waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here