Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa ku taageeray Dowladda Federaalka Soomaaliya go’aankii ay ku diiday in Xarakadda Al-shabaab loo aqoonsado Urur Argagaxiso.
Waxa uu sheegay xeer ilaaliyaha In Dowladda Soomaaliya ay u diirnaxday shacabkeeda,madaama hadii shabaab loo aqoonsado Argagaxiso caalamka uu kordhinayo dagaalkiisa gudaha dalka.
“Haddii aysan sharcigaas ka hortagi lahayn Dowladda uu saameyn weyn ku yeelan lahaa ganacsiga, gargaarka bani aadamnida iyo isgaarsiinta dadka kunool meelaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, Dowladda Soomaaliya waxa ay dagaal kula jirtaa shabaab,balse Kenya ujeedooyin gaar ah ayay leedahay.”ayuu yiri xeer ilaaliyaha qaranka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Dowladda Kenya ugu kaga guuleystay dooda ku aadaneed in shabaab loo aqoonsado Urur Argagaxiso,madaama ay weeraro ka fuliyaan gudaha dalkeeda.

