Ciidamo AMISOM ah oo Maanta La Geynayo Magaaladda Dhuusa-mareeb

0

Ciidamo ka Tirsan kuwa Midowga Afrika AMISOM ayaa saakay lagu wadaa in ay gaaraan Magaaladda Dhuusa-mareeb ee caasimadda Dowladd goboleedka Galmudug.

Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda AMISOM ayaa go’aan ka gaaray arinta ah in ciidamo AMISOM ah la geeyo Magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Guriceel,kadib markii taliyaha AMISOM uu la Kulmay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan AMISOM la geynayo magaalada Dhuusamareeb si loo adkeeyo ammaanka magaalada.

Waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM lagu xoojinaayo amaanka Magaalada Dhuusa-mareeb oo martigalin doonta shirar kala duwan iyo doorashadda Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

“Ciidamada AMISOM ee la geynayo Dhuusamareeb waxa ay noqon doonaan kuwo lagu xoojinayo Ammaanka Magalada Dhuusamareeb si loo suurta geliyo Doorasho xor iyo Xalaal ah.”ayuu yiri wasiirka amniga dowlada federalka Maxamed Abuukar Islow.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here