Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo galabta soo gaaray magaaladda muqdisho.
Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu la socday diyaarad ka timid Magaalada Kismaayo, kuna sii jeeday Magaalada Addis Ababa, taasoo transit ku ahayd Garoonka Aadan Cadde,waxaana ciidamada ay ka reebeen diyaaradii uu la socday.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababta loo xiray wasiirka ay tahay eedeemo la xiriira afar qof oo lagala baxay xabsi ku yaala Degmadda Doolow ee Gobolka Gedo, lana dilay 31-kii August, ee sanadkii 2015.
Eedeymahan oo horeyba loogu soo eedeeyay Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa waxaa bishii April ee sanadkan burisay Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyadoo cadeysay inaanu wax lug ahi ku lahayn dilkaasi.
Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo xariga wasiirka.

