Qaraxyada u dhaca sida maalinlaha ah, weerarada ismiidaaminta ah iyo weerarada tooska ah ee Al shabab ay ka fuliso magaalada Muqdisho ayaa muujinayo in wali Somalia aysan ka maarmi Karin howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee Amisom oo dowladda Somalia ka caawiyo ka dhanka ah Al Shabab iyo kooxaha kale mucaaradka ah.
Sanada walbo QM iyo beesha caalamku waxa ay kordhiyaan waqtiga howlgalka Amisom ee Somalia iyadoo ay sii kordhayaan qaraxyada ismiidaaminta ah iyo weerarada tooska ah ee ka dhaco muqdisho tan iyo markii QM ay bilowday inay dhinto tirade ciidamada Amisom ee Somalia sanadkii 2017.
Qm waxa ay damacsan tahay dabadana ka riixeysaa qorshaha Somalia looga saarayo ciidamada midowga Africa ee Amisom, waxa ayna daneyneysaa in amniga Somalia lagu wareejiyo ciidamada qaranka Somalia.
Agenda ha lagu dhimayo tirada ciidamada Amisom ayaa noqday mid uu heerkiisu sareeyo markii ay dhawaan madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni iyo madaxweynihii hore dalka South Africa Thabo Mbeki oo xubin sare ka ah midowga Africa ay ku kulmeen aqalka dowladda dowladda Uganda ee Kampala.
Labada mas’uul ayaa kulankaas uga wada hadlay ammaanka, dhaqaalaha iyo caqabadaha siyasadeed ee ka jira waddamada geeska Africa sida Djibouti, Eritrea, Ethiopia iyo Somalia.
Henry Okello Oryem, oo ah Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Uganda oo qeyb ka ahaa kulankaas oo la hadlay wargeyska The Independent u sheegay in qorshaha QM ee Amisom uu kasoo horjeesanayo nabadeynta Somalia.
“Beesha caalamka, arrimaha dhaqaalaha awgood, waxay dooneysaa in dhimista ciidamadu ay si dhaqso ah u dhacdo, laakiin haddii ay taasi dhacdo, waxa ay dhaawaceysaa guulaha ay gaareen AMISOM”
Waxa uu sheegay wasiirku in QM ay ku riyaaqeyso inay aragto ciidamada Somalia oo amaanka dalkooda la wareegayo balse taasi hadda ma ahan mid dhici karto.
“Ma cabaneyno laakiin waxaan ka walwalsan nahay awoodda ciidamada Qaranka Somalia haddii aan gacanta u gelineyno amniga Somalia,” ayuu yiri wasiirka “In kastoo AMISOM ay tababareyso ciidamada xoogga dalka, tiro badan oo ka mid ah ciidamadu waxay u weecanayaan ku biirista dagaalyahanada Al Shabaab. ” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
AMISOM waxa ay Somalia ka howl galeysaa in ka badan 12 sano, waxa ayna gaartay guulo la xusi karo balse wali waxa ay ku howlan tahay raadinta nabadda iyo xasiloonida Somalia.
Tirade ciidamada Amisom eek u sugan Somalia ayaa lagu qiyaasaa ku dhawaad 22,000 oo askari Ciidamada ugu badan badan ee qeybta ka ah howlgalka Amisom waxa ay kasoo jeedaan dalka Uganda waxa ayna tiradooda gaareysaa ilaa iyo 6,000 oo askari sanad kastana waxaa loo soo magacaabaa taliye cusub, uyadoo uu hadda taliye u yahay Michael Kabango oo lasoo magacaabay bishii December.
Waddamada kale ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ayaa waxa ay kala yihiin Kenya,Burundi, Ethiopia iyo Djibouti.

