Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ka sameeyay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Howlgalka ayay ciidamadda amaanka xalay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka howlgalka ayaa ahaa mid guri guri ah,waxayna ciidamadda gacanta ku dhigeen tiro dhalinyaro ah oo qaarkood markii dambe lasii daayay.
Sidoo kale waxaa la sheegay in ciidamadda amaanka ay gacanta ku dhigeen Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab xili uu ku sugnaa guri ku yaalla wada dayactirka ee Degmada Yaaqshiid.

