Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen. Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe oo shalay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku tagay kormeer, ayaa waxuu warbixino ka dhageeestay Saraaakiisha horkaceysa Ciidamada xooga dalka ee ku sugan deegankaasi.
Taliye Indha Qarshe ayaa boggaadiyay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee Ciidamada Xooga dalka ka wadaan degmooyin iyo deegaano hoostaga Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab aye Ciidamada Xoooga ka wadaan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna ciidamada Xooga la wareegen dhawaaan degmada Awdheegle.
Taliye Indha Qarshe ayaa ciidamada ku amkray inay dar dar galiyaan dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab ee looga saarayo Gobolka Shabeellaha Hoose.
Jen.Idhna Qarshe ayaa inii uu ku guda jiray kormeeerka waxuuuu dalacsiiyay Cbadi Cali Raage oo ahaa Sargaalkii horkacayay dagaalkii Al-shabaab looga saaray Bariire.
Cabdi Cali Raage oo horay u ahaa Dhammem, ayaa loo dalacsiiyay darajadda Gaashaanle,siddookale Sargaalkkan ayaa lagu doonsiiyay Shahaado oo ku mutestestay sida uu shaqada ciidanka uga soo baxay.




