Aqriso:-Magacyada musharixiinta ka qayb galeeysa Doorashada Madaxwaynaha Jubbaland Oo Maanta ka dhaceysa Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu wadaa in Maanta ay ka dhacdo doorashada Madaxtinimo ee maamulkaas oo murankeeda uu soo jiitamayey bilihii lasoo dhaafay.

Doorashada lagu wado in maanta ay ka dhacdo magaalada Kismaayo waxaa ku tartamayo ilaa 4 musharrax oo uu ku jiro madaxweynaha waqtigiisaa uu dhamaaday ee  Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Musharixiinta maanta loolamayo ee Afarta ah ayaa waxa ay kala yihiin.

1: Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe)

2: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow)

3: Musharax Maxamed Cumar Geedi

4: Canab Maxamed Daahir

Guddoomiyaha guddiga doorashooyonka iyo Xaduudeynta ee Jubbaland Hamze Cabdi Barre ayaa sheegay in si wanagsan ay wax u socdaan codbixinta doorashadana ay bilaabaneyso saacadaha soo aadan.

Amniga Magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyey waxaana dhaqan galay bandow lagu soo rogay magalaada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Scroll to Top