Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa markale maanta loo dhaariyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland kadib markii ka guuleestay Musharixiin la tartameesay.
Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa helay 56 cod halka musharaxa ku xigay oo ahayd Canab Maxamed daahir ay heshay 17 cod Maxamed Muxumed ayaa isaguna helay 1 cod.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare Sheekh Cabdi shakuur ayaa Axmed Madoobe udhaariyay Madaxwayanaha Jubbland iyadoo uu garab taagan yahay Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland Janaraal aadan koojaar.


