Dowladaha Russia iyo China ayaa kulan weydiistay golaha ammaanka ee QM maanta oo khamiis ah si ay ugala xaajoodaan qoraallo ay soo saareen saraakiil American ah oo lagu sheegay in la qorsheynayo in horumarin lagu sameeyo gantaada riddada dhexe ee mareykanka.
Xukuumadaha Moscow iyo Beijing ayaa doonayo in 15 xubnood ee uu ka kooban yahay golaha ammaanka ee QM ay kala hadlaan tallaabooyinka uu qaadayo Mareykanka oo Qatar ku ah ammaanka iyo nabadda caalamka oo idil, waxaana ay ka codsadeen Izumi Nakamitsu oo ah madaxa hub ka dhigista Qaramada Midoobay inay faahfahin ka siiso tallaabada Mareykanka. sida lagu sheegay codsiga oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters.
Isniintii waaxda difaaca Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay tijaabisay gantaal riddada dhexe ah oo gaarayo ilaa iyo 500km waana tijaabadii ugu horeysay tan iyo dagaalkii qaboobaa ee dunida.
Russia iyo China Oo kulan ka dhan ah Mareykanka ka dalbaday QM
