Aqriso:-Wararkii ugu danbeeyay ee Doorashada Jubbaland&Ammanka Magaalada Kismaayo si wayn loo adkeeyay

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo oo lagu wado in ay ka dhacdo doorashada Madaxwaynaha Jubblanad ayaa sheegaya in lagu arkayo Ciidamadii ugu badnaa kuwaasi oo si wayn usugaya ammanka.

Magaalada Kismaayo ayaa maanta waxaa ka dhaceysa doorashada Madaxwaynaha Jubbaland waxaana dhawaan war ka soo baxay laamaha ammniga lagu xiray mudo sadex cashaha garoonka Diyaaradaha, Dekadda iyo wadooyinka laga galo,waxaana Kismaayo ka dhaqan galay ammarkaasi.

Ciidamadii ugu badnaa ayaa saakay lagu arkayaa gudaha iyo daafaha magaalada Kismaayo, waxaana aad loo adkeeyay ammanka.

Xarunta ay doorashada ka dhaceyso ayaa waxaa ammankeeda sugaya ciidamada Booliiska Jubbaland iyo ciidamo ka tirsan Booliisla AMISOM.

Doorashada maanta ka dhaceysa Kismaayo ayaa waxaa ku tartamaya Musharixiin dhowr ah oo ka mid yahay Madaxwaynaha waqtigiisa dhamaaday ee Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) waxaana jira walaac laga muujinayo in markale uu ku soo laabto hogaanka ugu sareeya Jubbaland.

Dhicana kale Musharixiinta Mucaaradka ah ee ku sugan Kismaayo ayaa shaaciyay dhankooda inay Maanta ay dooran doonan Madaxwaynaha Jubbland,Musharixiinta oo Mucaarad ku ah Axmed Madoobe ayaa horay waxay udoorteen Xildhibaano iyo Guddoon cusub.

Waxaa indhaha lagu wada haaya doorashada Jubbland iyadoona Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ay walaac xoogan ka muujinayaan habka ay udhaceyso doorashada, waxaana jirin wafdi ka socda Dowladda oo kor joogta ka ah doorashada, waxayna Dowladda dhaxe ay sheegtay inaysan aqoosan doonin doorasha walba oo ka dhacda Kismaayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here