Sawiro:-Bayle”Waxaa la soo gabangabeyay tirakoobka hantida Qaranka dhawaana waa la soo bandhigi doona”

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa manta shir-jaraa’id oo uu kaga hadlaayey geedi socodka wadahadalka deyn cafinta iyo soo gabagabeynta tirakoobka hantida Qaranka ku qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa ugu horeyntii  ku dhawaaqay in wasaaradu soo gabagabeeysay tirakoob ay ku sameysay hantida ma guurtada ah iyo guurtada ee qaranku leeyahay,isagoo intaa  ku daray in dhawaan Wasaaradda Maaliyada tira koobka ay sameysay ku wareejin doonto Guddigga qaran ee soo celinta Hantida qaranka,kaas oo uu dhawaan sameeyay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya .

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa xusay in hanti kasta oo dalku lahaa la so tirakoobay,isla markaana dhowaan wassaaradda ay magaalaa Muqdisho ku soo bandhigi doonto natiijada tirakoobkaasi

“July Aakhirkeedii imtixaan baa nalaka  qaaday, bisha soo socota ee September iyo Meeyna waxaa noo dhimman imtixaankii ugu dambeeyay oo haddii aan ku guuleysanno aan wajaheyno deyn cafin”sidaasi waxaa yiri Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Beyle ayaa soo hadal qaaday qorshaha soo daabicida lacagta shilin Soomaaliga cusub, waxaana uu sheegay in dowladu ku howlan tahay dardar galinta soo daabicideeda lacagahaasi,oo uu tilmaamay in dhaqaalaha ku baxaya oo ay dowladu bixinaysa ay hayaan kala bar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here