Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya darawal Mooto Bajaaj oo goordhaweyd lagu dilay Magaaladda Muqdisho.
Dilka ayaa ka dhacay Buundada Ansalooti Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir,waxaana geystay askari ka tirsan Ciidamadda Minishiibiyada ee Canshuuraha.
Qof kamid ah dadkii goobta ku sugnaa ayaa sheegay in askariga iyo darawalka ay murmeen sidaasna uu falka ku dhacay.
Askarigii dilka gaystay ayaa goobta ka baxsaday,waxaa goobta laga qaaday meydka darawalka Mooto bajaajka.
Inta badan marka ay xiran yihiin wadooyinka Muqdisho waxaa dhaca dilal ay geystaan ciidamadda Dowladda Soomaaliya.



